Wel-weli iyo cabsi xoogan oo ka taagan Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaarada arimaha gudaha maamulka Puntland ayaa ka hadashay baqdin xoogan oo ka taagan deegaanada dhanka xeebta ee ku yaala gobolada Sanaag, Nugaal iyo gobolka Bari taasi oo lasoo deristay dadkaku dhaqan halkaasi.

Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Xaashi Qoobdeero oo wariyaasha kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay iney heleen digniin ku aadan duufaano laga baqayo iney ku dhuftaan deegaano kale oo Puntland k atirsan.

Wasiir Qoob-deero ayaa sheegay in digniinahaasi ku wajahan yihiin dadka ku sugan deegaanada Dhanka xeebta ee Puntland, waxaana dadweynaha looga digay iney ka fogaadaan agagaarka xeebaha si aysan u saameyn duufaanta laga baqayo.

Duufaanta oo magaceeda lagu sheegay MECH ayaa la sheegay iney saameyn ku yaalan karto Nugaal, Sanaag iyo gobolka Bari, iyadoo digniintaasi ay ka timid dhanka Setelite-ka.

Wasiirka ayaa dhankiisa sheegay in maamulkooda ku howlan yihiin sidii wax loogu qaban lahaa dadkii horay u saameysay duufaankii Chepola oo ku dhifatay deegaanada Bari iyo Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com