Puntland oo carrootay shirkii awood qeybsiga 2016 (Waa inaan ka badsanaa Soomaalida kale)

Garoowe (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya kulan maalmihii lasoo dhaafey uga socdey magaalada Muqdishu guddi howleedka soo diyaarinaya madasha looga arinsanayo wadatashiga qaranka ee doorashada 2016 la isku afgaran waayey.

Guddigaan oo uu garwadeen ka yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Odowaa ayaa lagu soo bandhigey ergooyinka ka qayb galaya kulankaan taasoo la sheegey in Puntland ku qanci waydey.

Kulankaan ayaa lagu soo bandhigey in ergada ka qayb galeysa kulankaan tiradooda noqneyso 150 qof maamulkiiba taasoo Puntland iyo mamulada Galmudug, Hiraan, Shabeelaha Dhexe, Banaadir, Jubaland iyo Koonfur galbeed loo qoondeeyey tiro isleeg.

Wadahadalaan oo uu shir gudoomanayey Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka islamrkaana ka qayb galeen labo wasiir oo ka socda maamul walba ee Somalia ka jira, hal wakiil oo ka socda xafiisyada madaxweynaha, Ra’isal wasaaraha iyo 3 Xildhibaan oo ka socda Barlamanka Somalia ayaa waftigii ka socdey Puntland diideen tiradiidii loo soo bandhigey.

Xog ogaal ka tirsan guddiyada shirka uga qayb galaya Puntland ayaa Caasimada Online u sheegey ineysan wax macno ah sameyn doonin in waftiga ka qayb galey shirka Muqdishu kasoo caroodaan shaxda habqaybsiga madaama waftigii madaxweyne Gaas ku ansaxiyeen kulankii ugu dambeyey ee lagu qabtey xerada Xalane barnaamijka shaqo ee madasha looga arinsan doono doorashada 2016.

Dhinaca kale xogogaalkaan ayaa u sheegey in wadada kaliya ee u furan Puntland tahay iney aqbalaan qaabka wax loo qaybiyey ama gabi ahaanba ka baxaan wadahadalada looga arinsanayo doorashada 2016, maadaama iminka aysan joogin meel dib looga laabto.

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqdey magaalo madaxada Garowe ayaa la filayaa in waftigii kasoo caroodey kulanka Muqdishu warbixin ka siiyaan halka arrinku marayo.

Carrada Puntland, ayaa mar kale muujineysa sad-bursiga Puntland ku caan baxday ee ah in mar walba ay ka wax badsato Soomaalida inteeda kale.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com