26.5 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

XOG: Yuu Xassan Sheekh u xilsaartay go’aan ka gaarista xasaradaha ay abuureyso PUNTLAND?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) – Ilo ku dhow dhow xafiiska madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan uu xalinta xiisada Siyaasadeed ay abuureyso Puntland u xilsaaray Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka.

Madaxweyne Xassan oo iminka qaliin dhanka madaxa ah ku gali doona Dalka Jarmalka ayaa waxa uu labadaasi mas’uul si KMG ah ugu xilsaaray in Xubnaha Beesha Caalamka ay la wadaagan xalinta dooda ay Puntland ka keentay 4.5.

Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa xoojin doona dadaalada ay Dowlada iyo Beesha Caalamka ugu jiraan xalinta Xiisada ka dhalatay qaadashada nidaamka 4.5.

Labada Mas’uul ee uu Xassan Sheekh usii wakiishay xalinta dooda ay Puntland ka keentay 4.5, ayaan kusii fogeyn qadiyada gaar ahaan marka la eego Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid oo u janjeera dhanka Puntland, halka Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari uu xasaasiyad ka qabo in Puntland uu xiligaani kala doodo go’aan ay horay u wada qaaten DFS iyo Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa ku fashilantay in maamulka Puntland ay ka dhaadhiciso misna ay ku qanciso qaadashada 4.5, waxa ayna su’aashu tahay sida Puntland ay ku aqbali laheyd qorshaha Dowlada ee arrinkaasi ku aadan iyo labada mas’uul ee uu wakiishay Xassan Sheekh.

Docda kale, waxaa lama dafiraan ah in Dowlada Somalia iyo Beesha Caalamka ay ku jahwareersan yihiin xalinta tabashooyinka maamulka Puntland iyo dhaqangalinta nidaamka 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News