Qarax culus oo ka dhacay magaalada KISMAAYO

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubbaland, ayaa sheegaya in goordhow halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaaro geestay.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaasi oo xiliga Qaraxa maraayay bartamaha magaalada Kismaayo.

Qaraxa kadib ayey dadka deegaanka sheegen in qaraxa uu geystay khasaaro xoogan, waxa ayna cadeeyen inay arkayeen Ciidamo dhaawac ah oo ka tirsanaa AMISOM-ta Qaraxa lala eegtay.

Qaraxa ayaa sidoo kale haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay la socdeen Ciidamada AMISOM, kaasi oo markii danbe ay AMISOM halkaasi ka jiiteen isaga oo qaraxa ku basbeelay.

Ma jirto cid ilaa iyo iminka sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi lagu laayay Ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com