Xog laga helayo fashil cusub oo mar kale XASAN Shiikh ka haysta mooshin wadayasha (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo wali uu taagan yahay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xassan ayaa waxaa soo baxaayo warar dheeraad ah oo ku saabsan kulan loo balansan yahay inuu dhex maro Madaxweyne Xassan iyo Xildhibaanada Baarlamaanka garabka Mooshinka wada.

Xildhibaanada ayaa ku gacanseeray inay kulan xal raadin ah la qaatan Madaxweyne Xassan kaasi oo lagu balansan yahay inuu dhaco 7-da Bishaani aan ku jirno, sida aan warbixinadeenii hore ugu sheegnay.

Waxaa maanta uu kulan aan caadi aheyn ka socdaa Madaxtooyada Somalia kaasi oo lagu doonaayo in Xildhibaanada diidan la kulanka Madaxweyne Xassan laga dhaadhiciyo inay la kulmaan Madaxweynaha maalinta bari ah.

Madaxtooyada ayaa waxaa iminka ku sugan inkabadan 12 Xildhibaan kuwaasi oo si aad ah kaga soo horjeeda Madaxweyne Xassan, waxa uuna kulankaasi uu kala dhexeeyaa wakiilo ka socda dhanka Madaxweyne Xassan iyo Xildhibaano uu soo xushay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in kulanka iminka socda uusan waxba ka duwanaan doonin kulamadii ay horay ula qaaten saaxiibada Madaxweyne Xassan waxa ayna cadeeyen in mowqifkooda uu yahay Xassan Sheekh oo xilka laga qaado.

Mid kamid ah Xildhibaanadaasi oo la hadlaayay Caasimada Online ayaa yiri ‘’Xassan Sheekh waxa uu ku taamayaa wada hadal anaguna waxaa noo muuqda wadadii aan ku ridi laheyn’’

Sidoo kale, C/laahi Goodax Barre oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay inaysan wada hadalo la furi doonin Madaxweynaha, sababo la xiriira xagal daacin uu ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Wuxuu sheegay inaanu waxba iska bedelin go’aankooda, ayna Madaxweynaha Soomaaliya la fariisan doonaan marka ay daacadnimo ka dareemaan Afhayeenka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha dalka.

Madaxweyne Xassan ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ku cadaadinaayo in Saacadaha ka harsan la kulankiisa Xildhibaanada uu xooga saaro kaliya sida uusan dib u dhac ugu imaan laheyn kulanka uu ku arkaayo Xildhibaanada kasoo horjeeda Mowqifkiisa.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa iminka soo food-saartay walaac ah inuu kamiro dhalinwaayo kulamada soo socda, maadaama xaalka uu yahay mid sii adkaanayo.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, waxaase suuragal ah in Madaxweyne Xassan uu Caawa kulan gaar ah la qaato Xildhibaanadaasi si saacadaha wakhtiga uga harsan uu go’aan kaga gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com