Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa si gaar ah uga dhacay Waaxda Ciise Cabdi, waxaana ka dhashay khasaare leh dhimasho, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay laba ruux oo la sheegay inay ku hubeysnaayeen bistoolado, kuwaas oo goobta lagu dilay.
Taliska Booliska Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in raggan ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, ayna doonayeen inay dil ka gaystaan halkaasi, balse laga hortegay.
Warsaxaafadeedka Booliiska Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Saaka Magaalada Muqdisho toogasho ku dilay laba nin oo Bistoolado ku hubaysan kana tirsan Khawaariijta oo doonayey inay dilaan Ciidamo howlgal ku jiray.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waxaa ku dhaawacmay howlgalkan lagu khaarijiyey labadan nin Askari katirsan Ciidanka Boliiska oo ku guuleystay soo afjaridda dhagartii ay maleegayeen Khawaariijta ,waxaana gacanta lagu hayaa hubkii ay wateen iyo Maydkooda”.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana muddo kooban hakad galay dhaq-dhaqaaqa iyo isku socda Waaxda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile oo ah halka ay ka dhacday mashaqada.
Maalmihii lasoo dhaafay xaaladda ammaan ee Muqdisho ayaa ahayd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidanka Booliska, kuwa NISA iyo ciidanka Xasilinta ee Boolis Milataaro.