Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay duqeyn culus oo habeen hore ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Bari, gaar ahaan aagga degmada Qandala, taas oo lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Duqeynta ayaa si gaar ah loogu beegsaday qoys reer guuraa ah oo ku dhaqnaa dhulka miyiga ah, waxaana soo gaaray khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
La-taliyaha sare madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha federaalka, Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan oo qoraal soo saaray ayaa ugu horreyn ka tacsiyeyay dhibaatada soo gaartay qoyskaasi, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in lala xisaabtamo ciddii ka dambeysay.
Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in ciddii fulisay duqeyntaasi ay bixiso Magta dadka rayid ah ee ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarkaasi.
“Waxaan ka tacsiyeynaya Duqaynti Xalay ka dhacday deganka Sixna oo ee gobalka Bari oo lala begsaday qoys shacab ah,intii ku dhimatayna allaha unxaristo inta dhawacantayna allaha ubooga dhayo . Waxaan ugu baaqayaa dhamaan cidkastoo kaqayb qadan karta Dadka Deganada ku dhaqan in laga caawiyo sidi loogu rari laha goobo ay ku nabad gali karan,” ayuu yiri Cabdisamad Maxamed Gallan.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Cidi Duqaynta gaysatayna wa in lagula xisabtama Magdhowna ay ka baxisa madama ay baal marsan tahay xerarka calamiga ah ee ilalinta xuquqda iyo badqabka shacabka”.
Puntland ayaa haatan wadda guluf culus oo ka dhan ah maleeshiyada kooxda Daacish waxayna ciidamada kusii siqayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.
Si kastaba, Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haatan ciidamadu ay isku fidiyeen aaga Tog Jaceel, Waddooyinka Togga soo gala iyo deegaannada u dhow Turmasaale.