28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xogta duqeyn culus oo ka dhacday Jilib + Bartilmaameedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Jilib (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo xalay ciidamada iyo saaxibada caaliga ah ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Dhexe, gaar ahaan degmada Jilib oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Duqeynta oo ay ka dambeeyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka, waxayna beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Khawaarijta, sida ay sheegtay Hay’adda NISA.

Qoraal kooban oo ay Hay’adda ku baahisat barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in weerarka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana khasaare lagu gaarsiiyay argagixisada, balse ma shaacin tirada rasmiga ah ee la dilay amaba la dhaawacay.

Waxaa kale oo NISA ay intaasi ku dartay  in duqeyn laga gaarey hadafkii laga lahaa, isla markaasna dhawaan ay bixin doonto faah-faahin dheeraad ah.

Xaaladda Jilib ayaa weli kacsan, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in Al-Shabaab ay hakiyeen dhaq-dhaqaaqa magaalada oo ay si buuxa u maamulaan.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo shalay ka dhacay aagga degmada Afgooye ee gobolk Shabeellaha Hoose, laguna dilay horjooge ciidanka sirdoonku ku raad-joogay, sida ay xaqiijisay NISA.

Horjoogahan oo weli aan la shaacin magaciisa, ayaa waxay NISA sheegtay inuu so dhuumaaleysi ah falal argagixiso uga abaabulayay dhulka hawdka ah ee deegaanka Jambaluul, degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ninkan ayaa waxaa lala dilay 11 dagaal-yahan oo kamid ahaayeen ilaaladiisu, sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka (NISA).

Dhawaan ayey sidoo kale aheyd markii ciidanka NISA ay ku guuleysteen khaarajinta horjooge Xasan Siidoow Xuseen oo ahaa maskaxdii abaabulka qaraxyada dhulka lagu aaso ee lagu dhibaateyn jiray dadka shacabka ah iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -

Read more

Local News