Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar dhanka cirka ah oo xalay ka dhacay aagga buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay Puntland ku qaaday xubnaha kooxda Daacish, si looga saaro deegaannadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan oo si bartilmaameed ah loo fuliyay lagu garaacay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha argagixisada ee ku sugan buuraha Cal-Miskaad.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyntan lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood, oo ay ku jiraan saraakiil ajnabi ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish.
“Duqeyn iyo hawlgal: Cirka iyo dhulka ayay kaga socdaan argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa Togjaceel. Ku dhowaad 15, oo ay ku jiraan ajaaniib, ayaa lagu dilay duqeynta iyo hawlgalkii caawa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Puntland.
Dhinaca kale, saaka ayay ciidamada Puntland qaadeen weerar kale oo afar jiho ah, iyagoo kusii dhowaanaya aagagga ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish, waxaana dagaalka uu xoogiisu ka socdaa dusha sare ee Togga Jacayl, oo shalay ay ka dhaceen dagaallo culus.
Puntland ayaa sheegtay in ujeedkeedu yahay inay ka hortagto firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish, si aysan hoos ugu soo dagin buuraha hoostooda.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka u dhexeeya labada dhinac, iyadoo barbar socdaan duqeymo ay fulinayaan qaar kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera Puntland.
Shalay ayay ahayd markii dagaal culus uu ka dhacay aagga buuraha Cal-Miskaad, halkaas oo xubno badan oo ajaaniib ah looga dilay kooxda Daacish, waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in Puntland dhankeeda laga dilay tobaneeyo askari, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi.