Xogta golaha wasiirada R/W Rooble -Xubnaha soo laabanaya iyo kuwa baxaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya maalmaha soo aadan ku dhawaaqi doono golihiisa Wasiirada ee Xukuumadda cusub, kadib markii la ansxiyey Sabtidii.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in Rooble la siiyay liiska Gole Wasiiro oo xulan iyo qaar ka mid ah wasaarado banaan oo aan wali dad loo xulin, oo isaga loo madax-baneeyay si dadka ku dhaw dhaw ugu qanciyo.

Liiska wasiirada ah ee magacaaban islamarkaana lagu wareejiyay ayaa la sheegay in ay u badan yihiin saaxiibada Madaxweynaha Soomaaliya oo ah kuwa hadda ku jira xukuumadda iyo qaar yar oo cusub.

Dadka la sheegay in ay ku jiraan magacyadaas waxaa kamid ah, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre iyo qaar kale oo hadda ka tirsan sii-hayeyaasha Golaha Wasiirada Soomaaiya.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in dhowr xubnood oo wasiiro ah laga reebay liiskaan islamarkaana Ra’iisul wasaaraha cusub lagu war geliyay in uusan ku soo darin xukuumadiisa, waxaana kamid ah shaqsiyaadkaas, Wasiirka amniga Soomaaliya Xil. Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Amardambe, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Sabriye wasiir ku xigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xidhibaan  Cusmaan Daalo iyo qaar kale.

Wasiiradaan ayaa ahaa saaxiibo aad ugu dhaw Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya waxeyna qaarkood kuu sheegayaan in aysan ku soo laaban doonin Xukuumadda cusub sababo badan aawgood. Sababta loo soo celinayo wasiirada hore ayaa sidoo kale lagu sheegay in shaqada halkeedii ka sii socoto si uusan u imaanin gaabis kale.