28.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Xogta howlgal culus oo ciidanka xoogga iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo culus oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo lagu bartilmaameedsaday xubno Shabaab ah oo ku dhuumaleysanayay.

Intii uu howl-galka socday waxaa lagu dilay afar dhagarqabe oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Xubnahan ayaa ku howlanaa aasin miinooyin ay doonayeen in ay waxyeello ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed ee adeegsada waddooyinka deegaannka.

Ciidamada Qaranka ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay ciribtirka maleeshiyada argagixisada ee khatarta ku ah amniga shacabka iyo isu-socodka waddooyinka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan nabad iyo amni la isku halleyn karo.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay in howl-gallada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo amni, xasilooni, iyo nabad waarta guud ahaan dalka.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay maalmahan dambe kordhiyeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

- Advertisement -

Read more

Local News