Xogta kiis loo haysto shirkad ajnabi ah iyo maxkamadda G/Banaadir oo soo saartay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay baafin ay ku wargelinayso shirkad ajnabi ah, oo ay soo eedeeysay xeer ilaalinta qaranka.

Shirkadan oo lagu magacaabo Automative Management Services (AMS) ayaa loo haysta “inay galeen dambi bixin la’aan canshuur ku waajibtay ganacsigooga, bixinta cadeymo been abuur ah iyo marin habaabin, iyo weliba ganacsi sharci darro ah oo aan ahayn kii ay shatiga u haysteen.”

Sidoo kale waxay shirkad ajnabiga ah kusoo eedeysay xeer ilaalinta ku xad-gudubka shuruucda dalka iyo denbi lacag dhaqis, sida lagu shaaciyay warqadda baafinta ee kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir.

“Maxkamaddu waxay baafinaysaa kuna wargalinaysaa Shirkadda Automative Management Services (AMS) oo ah shirkad ganacsi oo ajnabi ah, taasi oo dacwad ciqaab ah oo ay dhinac ka tahay ka furan tahay maxkamadda gobolka Banaadir, uuna kusoo eedeeyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Maxkamaddu waxay ku wargelinaysaa shirkadda sare ku xusan in ay ku hortimaado maxkamadda muddo soddan (30) maalmood gudahood ah, oo ku eg Tr. 10/06/2024, si ay iskaga difaacdo eedda uu kugu soo eedeeyay xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.”

Masuuliyiinta shirkadan ajnabiga ah ee loo haysto ganacsiga sharci darada iyo inay ku xad-gubeen shuruucda dalka ayaa waxay maxkamadda fartay inay dhowraan waqtiga loo muddeeyay, haddii kale ay maxkamadda qaadi doonto dacwadda iyaga oo maqane ah.