Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo weli ku gudo jira safarkiisii shaqo ee uu ku joogay dalka Djibouti ayaa waxa uu kulan xasaasi ah la yeeshay Safiirrada dalalka Faransiiska, Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
Kulanka ayay ujeedadiisu ahayd is xog-warrysi guud oo la xiriira xaaladda gobolka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay. Madaxweyne Cirro waxa uu Danjirayaasha Waddamada Faransiiska, Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska si gaar ah ugala hadlay arrimaha ay ka mid yihiin:
Ka wada-shaqaynta arrimaha amniga gobolka iyo xoojinta iskaashiga xasiloonida Geeska Afrika iyo xallinta khilaafaadka ka jira gobolka, isaga oo sheegay in ay Somaliland door muhiim ah ku leedahay arrimaha amniga iyo xasiloonida gobolka.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay gobolka Geeska Afrika u leedahay in la iska kaashado Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu saddexda Danjire kala hadlay horumarinta dhaqaalaha Gobolka, fursadaha maalgashiga, fududaynta ganacsiga, iyo kobcinta mashaariicda kaabayaasha, iyo kordhinta gargaarka bini’aadantinimo.
Mudane Cirro waxa uu Danjireyaasha saddexdan dal ku bogaadiyey xiriirka iyo wada shaqaynta ay dalalkoodu la leeyihiin Somaliland, gaar ahaan waddammada Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska oo iyagu wakiilo ku leh Somaliland.
Ugu dambeyntiina wuxuu Madaxweynaha Somaliland ku boorriyey dowladda Faransiiskana in ay Somaliland ka furtaan xafiis/safaarad.