Ceelbuur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo xalay ka dhacay aagga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi.
Howlgalka, oo ay fuliyeen ciidamada Macawiisleyda, ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxdaasi oo ku sugnaa saldhig ku yaalla tuulada Biya-cadle, oo hoostagta deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud.
Qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in weerarkan khasaaro culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, uuna u dhacay sidii loo qorsheeyay.
“Ciidanka xaq-udirka deegaanka ayaa caawa weerar ku qaaday saldhig ay Khawaarijtu ku lahayd deegaanka Biya-cadle ee hoostaga deegaanka Ceel-lahelay ee degmada Ceelbuur, gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta dowladda.
Sidoo kale, qoraalka ayaa intaas ku daraya in xubnaha la weeraray ay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, loona diyaariyay inay weeraro ka fuliyaan aagga degmada Ceelbuur ee bartamaha Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale jira khasaaro culus oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka argagixisada ah, balse dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca.
“Deegaanka uu dagaalku ka dhacay waxaa deganaa maleeshiyaad Khawaarij ah oo loo diyaarinayay inay shacabka Soomaaliyeed dhibaateeyaan. Khasaaro culus ayaa la gaarsiiyay kooxda,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo lagu daray: “Geesiyaasha xaq-udirka ayaa ka dhiidhiyay hagardaamada Khawaarijta, oo dhibaato ku hayay shacabka Soomaaliyeed maalmahaan.”
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa duleedka deegaanka Ceel-lahelay, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Dhanka kale, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aaddan howlgalkaasi, kaas oo guulaha laga sheegtay ay fuliyeen ciidamada dadka deegaanka ee ka howlgala Galmudug.
Gobollada Dhexe ayaa weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ah, waxaana iska kaashanaya ciidamada Xoogga Dalka, kuwa deegaanka iyo sidoo kale Daraawiishta maamulka Galmudug.