Muxuu Saciid DENI ka yiri weerarkii Beledweyne iyo arrinta Shabeellaha Dhexe?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, oo khudbad xasaasi ah jeediyay, ayaa ka hadlay arrimo la xiriira xaaladda gobolka Shabeellaha Dhexe, dagaallada ka socda halkaas, iyo weerarkii argagixiso ee maalin ka hor ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ugu horreyn, Deni ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamada Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda kasoo hoyeen dagaalka ka socda HirShabelle, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe. Wuxuu sidoo kale tacsi u diray askartii ku dhimatay howlgalladaas.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen dhismaha hoteelka Qaahira ee magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku dhinteen odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan. Wuxuu falkaasi ku tilmaamay mid laga xumaado.

“Waxaan rabaa in halkaan tacsi uga diro dagaalka ka socda HirShabelle, guud ahaan ciidamada iyo dadka deegaanka ee ku waxyeeloobay. Waxaan si gaar ah uga tacsiyeeynayaa odayaashii dhaqanka ee lagu laayay hoteelka Qaahira ee Beledweyne, halkaas oo qarax iyo xabad loola soo galay,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, wuxuu xusay inay isku mid yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, loona baahan yahay in loo midoobo dagaalkooda, si looga saaro dalka oo dhan.

“Runtii waa calaamadaha iyo niyadda Al-Shabaab. Ogaada, Shabaab iyo Daacish cidda u riyaaqeysa ficilladooda waa la garanayaa,” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Weerarkii Beledweyne, oo qaatay ku dhawaad 24 saacadood oo xiriir ah, ayaa Arbacadii lasoo afjaray, kadib howlgallo culus oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka magaaladaasi. Laba kamid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa la toogtay, halka afar kale ay is qarxiyeen.

Inta la xaqiijiyay, weerarka waxaa ku dhintay illaa 7 ruux oo isugu jiray nabadoonno, saraakiil ciidan, iyo dad shacab ah, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa kusoo aaday xilli Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Kooxda ayaa mar kale dib ugu soo laabatay deegaannadii laga xoreeyay gobolladaasi oo hoos taga maamulka HirShabelle.

Beledweyne, oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Khawaarijta, ayaa marar badan lagu bartilmaameedsaday qaraxyo ay soo maleegeen Al-Shabaab, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Qaraxan ugu dambeeyay ayaa u muuqda mid la mid ah kuwii hore.