Daawo: R/Wasaare Xamza: Waxaa guuleystay qofkii dila Khawaarijta ama ay dilaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa xalay booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah , kuwaas oo lagu baxnaaninayo Isbitaallada xoogga dalka iyo Erdogan (Ex Digfeer). 

Ra’iisul Wasaaraha, oo mid mid u booqday, una kor istaagay qaar ka mid ah ciidamada difaaca Qaranka u dhaawacmay, ayaa ka xogwareystay xaaladdooda caafimaad, isaga oo Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah oo ay kaga soo kabtaan dhaawaca soo gaaray, wuxuuna ku dhiirrigeliyay adkeysiga iyo dadaalka ay ugu jiraan difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

“Waxaa guuleystay qofkii dila Khawaarijta ama ay dilaan, sida uu Rasuullku sheegay waa qolo diinta si khaldan u fahmay, waxaan rabnaa in ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay helaan isbitaallo casri ah oo lagu baxnaaniyo maadama uu dalkeennu dagaal adag kula jiro kooxo kasoo horjeeda nabadda iyo xasilloonida dhowaanna dalkiina iyo dadkiinna oo nabad ah ayaa idiin abaalgudi doona,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. 

Xamza ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay mar walba garab u tahay halyeeyada naftooda u huraya diinta, dadka iyo dalkooda, si ay uga u ciribtiraan argagixisada u taaggan daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed. 

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa sii xoogeystay toddobaadyadii dhowaa, ayada oo ciidamada qaranka ay guulo ka gaareen.

Ugu yaraan 50 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay lagu dilay howlgal duqeyn ah oo laga fuliyay deegaanka Damasha Shabeelow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay taliska, howlgalka oo si qorsheysan u dhacay, ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda, waxaana lagu dilay Mansoor Timo-Weyne, oo ahaa horjoogihii kooxda u qaabilsanaa isku-diyaarinta iyo adeegsiga gawaarida dagaalka.

“Howlgalkan wuxuu bartilmaameedkiisu ahaa xubno muhiim u ah kooxdan, gaar ahaan Mansoor Timo-Weyne, oo dhowaan ka yimid Buulo Fulay isaga oo waday gaadiid la dayactiray, kuwaas oo kooxda ay u adeegsan jirtay weerarrada argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay CXDS.

Sida lagu sheegay bayaanka, intii uu socday howlgalka waxaa la burburiyay saddex gaari oo dagaal, kuwaas oo midkood loo adeegsaday weerarrada ay kooxda ka fuliso gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.