Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si yaab leh uga jawaabtay bayaankii shalay kasoo baxay xildhibaannada mucaaradka, kuwaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.
Xildhibaannadani waxay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ugu baaqeen inuu is-casilo, maadaama uu dalka ku jiro marxalad halis ah. Waxay ku doodayaan in loo baahan yahay badbaadinta dowladnimada, sida ay hadalkooda ku sheegeen.
Waxay sidoo kale xuseen inay qaadi doonaan tallaabooyin culus oo ka dhan ah xukuumadda, iyagoo ku eedeeyey in ay laashay dastuurka dalka, isla markaana ay ku fashilantay waajibaadkii loo igmaday.
Jawaabta dowladda
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo u jawaabay xildhibaannada mucaaradka, ayaa weerar culus ku qaaday, isagoo ku tilmaamay “Af Khawaarij”—sida muuqata, wuxuu ula jeeday in xildhibaannadani yihiin “Shabaab kalkaal.”
“Afhayeenada Khawaarijta kuwaba maalin ayay ku qoran yihiin, balse waa isku ajande, magacooduna waa Af-Khawaarij,” ayuu Al-Cadaala ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Wuxuu intaas ku daray: “Kuwa ku qornaa kaltanka maanta, miyaa yiri aan buuqno si culaysku uga yaraado Khawaarijta duurka ku go’doonsan?”
Inkasta oo Al-Cadaala uu iska indho tiray eedeymihii xildhibaannada mucaaradka ay soo jeediyeen, haddana waxaa jawaabtiisu noqotay mid lama filaan ah, maadaama xildhibaannadu ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in la midoobo si loola dagaallamo kooxaha argagixisada.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe lasoo warinayey inay si weyn u dhibsadeen dhaliilaha uga imaanaya mucaaradka, kuwaas oo waayahan dambe culeys saaray xukuumadda.
Si kastaba ha ahaatee, dhaqanka siyaasadeed ee noocaan ah ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, waxaana loo arkaa arrin halis ah, maadaama koox walba tan ay aragtida ka duwan tahay ay ku shaanbeyneyso “Shabaabnimo.” Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli dalka uu dagaal kula jiro kooxo banneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.