Muqdisho (Caasimada Online) – Koox burcad badeed ah ayaa afduubatay markab nooca xamuulka qaada ah oo ay saarnaayeen 16 qof oo shaqaale ah, xilli uu marayay xeebaha Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo amniga ah.
Markabka ayaa ku gooshayay Calanka Panama, waxaana lasoo wariyay inuu kusii jeeday dhana dalka Mozambique, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyadu.
Shaqaalaha saaran markabka ayaa 10 kamid ah waxaa la xaqiijiyey inay yihiin Carab, waxaana la baxsaday burcadda hubeysan.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in markabka la afduubtay uu alaab kala duwan u siday shirkad xamuul ah oo laga leeyahay Yurub.
Markabkani xamuulka ah ayaa sidoo kale leh Wiish awood u leh in uu deked la’aan agabyo ku dajiya doon ama markab kale, taas oo shaki abuurtay, maadaama xiliga la qabsanayay uu ku jiray biyaha Soomaaliya, kana durgay biyaha caalamiga ah.
Waa afduubkii labaad oo maalmo gudahood ah ka dhacaya biyaha Soomaaliya, waxaana dhawaan sidaan oo kale loo afduubay markab qaada shidaalka oo ay saarnaayeen 17 qof oo shaqaale ah.
Markabkaas oo lagu magacaabo Honour 25, ayaa waxaa gacan-ku-hayntiisa la wareegay lix nin oo hubeysan goor dambe oo Arbacadii ah, xilligaas oo uu qiyaastii 30 mayl-badeed u jiray xeebta.
Qiyaastii ilaa 3 sano ka hor, falalka burcad-badeednimada ayaa u muuqday kuwo gabi ahaanba ka ciribtirmay biyaha Badweynta Hindiya oo horay ugu caan baxay afduubka, balse dib ayay arrintaas u soo laabatay iyadoo inta badan la beegsanayo doonyaha kalluumeysiga iyo maraakiibta xamuulka.

