Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo xalay ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo ay dagan yihiin dad shacab ah.
Qaraxa oo jugtiisa si xooggan looga maqlay magaalada ayaa la sheegay in lagu dhajiyay guriga, waxaana degan nin magaciisa lagu sheegay Ibraahim Mursal oo kamid ah dadka deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in wax khasaare nafeed ah aanu gaysan qaraxa, balse uu burbur xoogan soo gaaray guriga lala bartilmaameedsaday oo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baaritaanno dheeraad ah, waxayna gacanta ku dhigeen dad ka ag dhowaa meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo tuhmanayaal ah.
Sidoo kale dadk deegaanka ayaa waxaa soo wajhaday cabsi, maadaama xilli habeen ah uu weerarka dhacay, isla markaana lala bartilmaameedsaday guri ay dagan yihiin dad rayid ah.
Qaraxyada ayaa ku badan magaalada Baydhaba, waxaana badanaa ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan hareeraha magaaladaas oo ay kasoo abaabusho weeraro culus.
Habeen hore ayay ahayd markii sidaan oo kale qarax miino loogu dhajiyay guri ay dagan yihiin qaar kamid ah Fannaaniinta Koonfur Galbeed, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawac iyo burbur soo gaaray guriga oo isna ku yaalla bartamaha magaalada Baydhaba.
Weeraradan qaraxyada ah aya kusoo aadayo, iyadoo dhowaan Al-Shabaab lagu jabiyay dagaallo ka dhacay deegaanka Burjeed oo hoostaga degmada Baydhaba, kadib markii halkaas lagu laayay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo weerar kusoo qaaday halkaasi,
Maydadka xubnaha la laayay ayaa sidoo kale la geeyay gudaha magaalada, waxaana lagu soo bandhigay fagaaraha Afar Irdoodka, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne badan.