Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya Addis Ababa iyo Qaahira, kaas oo u baahan maarayn iyo go’aan qaadasho adag.
Masar ayaa doonaysa in Xasan Sheekh dib u soo celiyo go’aanadii saddex-geesoodka ahaa ee lagu gaaray dalka Eritrea, kuwaas oo xambaarsanaa qorshe lagu go’doominayo Itoobiya.
Madaxweynaha Masar ayaa casuumaad u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweynaha ayaa berri iyo wixii ka dambeeya u safri doona dalka Masar, si uu ula kulmo dhiggiisa, Cabdalfataax Al-Sisi.
Dhinaca kale, waxaa xoogaystay khilaafka u dhexeeya Addis Ababa, Asmara, iyo Qaahira. Madaxweynaha Masar ayaa wadaya cadaadis uu Xasan Sheekh ku saarayao, si uu uga qeyb noqdo go’doominta Itoobiya.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa isna dhankiisa Xasan Sheekh ku casuumay xaflad xarigga looga jarayo biyo-xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya dhistay, kaasi oo haddii uu Xasan ka qeyb galo, ay taasi ka dhigan tahay inuu si bareer ah uga hor yimid Masar iyo Suudaan.
Abiy Ahmed ayaa Khamiistii sheegay in biyo-xireenka muranka dhaliyay ee laga dhisay Wabiga Nile uu hadda dhammaaday, taasoo guul weyn u ah dalkiisa, xilli uu khilaaf kala dhexeeyo dalka Masar oo ku saabsan qaybsi caddaalad ah oo biyaha ah.
Masar ayaa muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn doono saamigeeda biyaha Wabiga Nile. Dowladda Masar ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka – oo loo yaqaan Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam) – mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadkiisa ka badan 100 milyan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa shaaciyay in wada-hadalladii u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsanaa biyo-xireenka Itoobiya ay istaageen, taasoo muujinaysa in aan wax natiijo ah laga gaarin dadaalladii diblomaasiyadeed.
Wasiirka ayaa arrintan ku tilmaamay mid nasiib darro ah, isagoo xusay in Masar ay mar walba ka shaqaynaysay sidii wada-hadalladu u mira dhalin lahaayeen, balse ay ku dhammaadeen is-faham la’aan.
“Waxaan si toos ah u sheegnay in geeddi-socodka wadahadalka uu gaaray waddo xiran. Masar waxay xaq u leedahay inay isdifaacdo oo ay ilaaliso danahaheeda biyaha haddii ay la kulanto hanjabaad kasta,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar.