Xogta sarkaalka loo haysto weerarkii lagu dilay Tuure iyo ‘baycadii uu la galay’ Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee magaalada Muqdisho kasoo muuqday Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge, oo ah sarkaale sare oo ka tirsan Kumaandooska DANAB.

Ninkan ayaa ah Laba Xidigle ka tirsanaa ciidamada uu tababaray Mareykanka ee DANAB, wuxuuna ku eedeysan yahay inuu la shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab.

Mucaawiye Waasuge ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab u ballan-qaaday xilka Waaliga gobolka Hiiraan, uuna sidaas kula shaqeynayay, isagoo ahaa basaas ku dhex jira ciidanka Soomaaliya kuwooda ugu tayada wanaagsan ee DANAB, sida ay xafiiska xeer ilaalinta ka hor sheegtay maxkamadda.

Mucaawiye ayaa ka dambeeyay fududeynta weerarkii lagu dilay Gaashaanle Xasan Tuure, waxayna maanta maxkamadeyntiisu ka bilaabatay magaalada Muqdisho.


Mucaawiye Waasuge ayaa wajahay eedeymo argagixiso oo waaweyn sida; dhabar jabinta saaxiibbadiisa DANAB, basaasida goobaha ciidanka iyo talisyada iyo weliba shirqoolka iyo soo gaabinta cimriga taliyahaashiisii hore.

Taliye Xasan Tuure oo ninkaan loo haysto weerarkii lagu khaarajiyay ayaa waxa uu ku dhintay dagaal qaraxyo ku billowday oo ka dhacay Galcad ee gobolka Galgaduud.

Xoogaga Danab oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka ayaa waxaa tababara Mareykanka, iyaga oo saldhigooda ugu weyn ku leh Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

DANAB waa ciidan lugta oo tababar gaar ahi qaba, waxayna fuliyaan hawl-galada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waana ciidanka sida gaarka ah ula hawl-gala Ciidamada Mareykanka ee Villa Somalia ka taageera weerarada dhinaca cirka ee lagu bartilmaameedsado madaxda iyo maleeshiyada Shabaabka.