Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee la magaca baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa haatan shir xasaasi ah wuxuu uga socdaa hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga arrinsanayaan waxa ay kala soo kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay lasoo yeesheen wada-hadallo maalmo badan qaatay.
Siyaasiyiinta mucaaradka oo tan shalay Muqdisho ka waday kulamo goono gooni ah ayaa mar kale maanta isugu tegay hoteelka Jaziira, waxaana u socdo shir gaar ah oo la filayo inay kasoo saaraan go’aanno la xiriira mowqifkooda wada-hadalkii Xasan Sheekh.
Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa innoo xaqiijiyay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo uu horkacayo Sheekh Shariif ay qorsheynayaan inay soo saaraan go’aanno xasaasi ah, walow dhexdooda ay ka taagan tahay dood xooggan oo xalay bannaanka usoo baxday, kadib markii xubnaha dhexdooda ay isku khilaafeen qaabka loo dhigayo warsaxaafadeedka.
Sidoo kale waxaa soo baxday inay jiraan rag ka tirsan mucaaradka oo raadinaya kursiga Ra’iisul wasaaraha dalka, sida uu shaaciyay Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ee Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in xubnahaasi ay fashiliyeen shirkii xalay, kuwaas oo loo ballan qaaday in Ra’iisul wasaare iyo safiir la siinayo, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray.
Si kastaba, Kulankii shalay ee Villa Somalia oo lagu waday inuu noqdo kii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo khilaafka ka taagan wax ka beddelka cutubka afaraad ee Dastuurka, ayaa la mid noqday kulamadii hore, taas oo wada-hadallada ka dhigaysa kuwa burburay.
Mucaaradka ayaa ku adkeystay qodobada qaar, gaar ahaan cutubka afaraad ee Dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday inuu sameeyo tanaasul dhab ah oo aan leexleexad lahayn, taas oo sida muuqata aan suuragal noqon.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo waxa ay lasoo shir tagi doonaan mucaaradka, waxaana kasii careysiiyay tallaabadii ugu dambeeyay ee uu Madaxweynuhu qaaday kadib markii uu maalin kahor isku diiwaangeliyay doorashooyinka qof iyo codka ah ee uu rabo inuu ka qabto dalka.