Xubin ka tirsan Madasha Xisbiyada oo si lama filaan ah isugu sharxay R/Wasaare

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid xubnaha mucaaradka, islamarkaana ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku soo taagay xilka ra’iisul wasaarenimo, kadib markii la riday xukuumaddii Xasan Cali Khayre.

Cosoble oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga Ilays ayaa haatan bilaabay olole xoogan oo uu ugu jiro, sidii loogu magacaabi lahaa xil-ka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu duubabka dhaqanka Beesha Mudulood u soo bandhigay damaca uga jiro kursigaasi, si ay ula raadiyaan.

Go’aanka Cabdqaadir Cosoble oo mucaarad weyn ku ahaa madaxda dowladda ayaa dad badan lama filaan ku noqday, balse lama sida ay ugu dhalatay arrintan, maadaama saaxibadiisa ay si weyn uga soo horjeedaan dowladda federaalka iyo muddo kororsi.

Mr. Cosoble oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa horey isugu soo sharraxay xil-ka madaxweynaha Soomaaliya 2017-kii, gaar ahaan doorashadii uu ku soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Tan markii Sabtidii xilka laga tuuray Xasan Cali Khayre, Soomaaliya ayaa gashay is-bedal siyaasadeed, iyada oo ay beesha caalamka dhankeeda soo saartay digniino culus.

Si kastaba ha’ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa wada wada-tashadii ugu dambeeyey ee magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub oo hada saadaalino kala duwan laga bixinayo.