Maxay dowladda Qatar wax uga saxiixday QORAAL ka dhan ahaa Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeedkii beesha caalamka ay soo saartay 28-kii July ee jawaabta u ahaa xil ka qaadista Xasan Cali Kheyre, waxaa dalalkii ku saxiixnaa si lama filaan ah uga soo dhex muuqday dal aan la filayn; Qatar.

Qatar waa dalka ugu weyn ee xulufada la ah dowladda Soomaaliya, lana rumeysan yahay in go’aanada Villa Somalia ay hagto, sidaa darteed inay ogolaato bayaan hanjabaad u ekaa oo ka dhan ahaa Villa Somalia iyo baarlamanka u adeega waxay noqotay lama filaan.

Qeybta ugu culus ee bayaanka ayaa u dhigneyd sidan: “Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay.”

Bayaanka waxaa wadajir usoo saaray: Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Poland, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay

Haddaba maxay Qatar u ogolaatay bayaankan?

Caasimada Online oo la hadashay xildhibaanno iyo taxliiliyayaal siyaasadeed ayaa qaba laba fikir oo kala duwan, inkasta oo mid ay u badan yihiin.

Kooxda koowaad ayaa qabta inuu jiro tuhun ku saabsan in Qatar ay ka xumeyd eryidda Xasan Cali Kheyre, sidaas darteedna ay bayaanka ku ogolaatay. Koxodan ayaa rumeysan in Qatar ay ogtahay in rajada dib u doorasho ee Farmaajo ay tahay 0%, sidaas darteedna ay muddo dhiseysay Xasan Cali Kheyre, taasi oo ceyriintiisa ay hadda dhaawac culus gaarsiisay.

Waxay sidoo kale leeyihiin; waxaa suurta-gal ah inaysan jirin taas balse ay ka xumaatay oo kaliya in xilli kala guur ah ay Soomaaliya lugaha la gasho qas siyaasadeed.

Kooxda labaad ayaa qabta fikir kaas ka duwan, waana kan inta badan dadka aan la hadalnay ay u badan yihiin; fikirkaas oo ah in bayaanka uu yahay cayaar siyaasadeed ka mid ah dheesha Qatar ee Soomaaliya.

Kooxdan ayaa qabta in ku biiritaanka Qatar ee bayaanka uu u adeegayo laba u jeeddo.

1 – In Qatar ku dhex jirto xubnaha beesha caalamka ee Xalane, taasi oo siineysa fursad ay wax badan uga ogaato qorshayaashooda iyo waxa ay damacsan yihiin. Sidoo kale ku dhex jirkooda ay ku abuuri karto saameyn siyaasadeed iyo fursad ay ku sameyso olole ay uga hortagto go’aanada sida xun u dhaawici kara Villa Somalia.

“In Qatar ay ogolaato qoraallo siyaasadeed oo dhalleeceyn ah waxay Villa Somalia uga badbaadin kartaa dhaawacyo siyaasadeed oo ka culus, sidaas darteedna wax sidaas u weyn uma aragto bayaankan,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

2 – Qorshaha labaad ee Qatar ayaa, sida kooxda labaad ee qabto, ah in beesha caalamka ay u muujiso in waxa laga aaminsan yahay ee ah in dhib ka waddo Soomaaliya, oo ay riixeyso maamul kali-talisnimo lagu eedeey aysan jirin, ayna diyaar u tahay inay wax ka saxdo qaladaadka siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Haddii Qatar ay wax ka saxiixeyso bayaan ka dhan ah Villa Somalia, oo ay fadhiso miiska wada-tashiga Soomaaliya, way adag tahay in lagu dhalleeceeyo marinada diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Prof. Cabdi Mataan, oo ah aqoonyahan ku sugan Muqdisho.

Wax kasta oo ay ahaataba, ku biirista Qatar ee bayaan u muuqda mid ka dhan ah Villa Somalia waxay horseedeysa in qoraallada kale ee soo socda, waxa ku qornaan doono, iyo cidda saxiixeysa, lagu eego il gaar ah.