FARMAAJO oo la kumay guddoonka baarlamanka HirShabaelle iyo ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cusmaan Barre Maxamed.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoona looga hadlay xaaladda guud ee dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle oo si kooban uga warbixiyey kulanka uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay ka wada-hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxlada kala guurka ah ee uu xilligan marayo dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay isla soo qaadeen arrimaha HirShabelle, gaar ahaan wax ka qabashada fataahadaha ku soo noq-noqday deegaanada maamulkaasi.

Dhankiisa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo qeyb ka ahaa kulankaasi ayaa warbaahinta u ku yiri “Madaxweynaha JF, aniga iyo gudoomiyaha baarlamanka Hirshabelle waxaan ka wada sheekeysanay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan is-bedalkii dhowaan dhacay.

Si kastaba ha’ahaatee Madaxweynaha Soomaaliya oo laga sugayo magacaabida ra’iisul wasaare cusub, kadib kalsooni kala noqoshadii R/wasaare Khayre ayaa haatan wada wada-tashiyadii u dambeeyey ee magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.