Xog: Itoobiya oo qaadeysa tallaabo deg deg ah kadib xiriirkii Masar iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa wakiil cusub u soo magacaabeysa Somaliland, kadib markii muddo ka hor la badalay wakiilkeedii u fadhiyay magaalada Hargeysa, midaasi oo ka dhigan tallaabo diblumaasiyadeed oo uga jawaabeyso xiriirka Masar iyo Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Itoobiya ayaa dhawaan si dhaqso ah usoo magacaabeysa wakiilkeeda cusub, taasi oo ay kor ugu qaadeyso xiriirka diblumaasiyadeed ee Somaliland oo muddooyinkii dambe u muuqday mid uu hoos u dhacay meeqaamkiisu.

Magacaabistan ayaa imaneysa xili ay dhawaan safar ku yimaadeen magaalada Hargeysa wafdi ka socday dowladda Itoobiya, oo madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay dar-dar gelinta xiriirka labada dhinac, una sheegay inay si dhaqso ah ugu soo magacaabayaan wakiilkooda, sida ay xogta ku helayso Caasimada Online.

Safarka Wafdigaasi ayaa sidoo kale u daarna inay madaxda Somaliland soo gaarsiiyan walaaca ay ka qabaan xiriirka cusub ee la yeelatay Masar iyo mowqifkooda ku aadan saldhig millater oo xiligan deegaanada Somaliland laga siiyo dowladda Masar.

Dib usoo nooleynta xiriirka Somaliland iyo Itoobiya ayaa kusoo aadaya xili ay dowladda Masar ku howlan tahay sidii ay heshiis cusub ula gali laheyd xukuumada Somaliland, isla markaana ula yeelan laheyd xiriir diblumaasiyadeed oo adag.

Itoobiya oo xiisada webiga Nile-ku kala dhaxeyso Masar ayaa u aragta in xiriirka Somaliland iyo Masar ee horseedaya in saldhig la siiyo uu caqabad ku noqonayo dhaq-dhaqaaqyadeeda gobolka.