Amni darrada degmada Kaaraan ka jirta oo ‘mareysa heer bac la’isku dhalaaliyo’

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska qeybta bari, Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Maalin oo xalay ka hadlayey kulan lagu qabtay xarunta degmada Kaaraan ayaa ka warbixiyey dhibaatooyin amni darro oo ka jira gudaha degmadaasi.

Khaliif ayaa sheegay in amniga Kaaraan uu faraha ka baxay, islamarkaana ay dhibaatooyin ka geystaan maleeshiyaad hubeysan oo wata dareeska ciidanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in degmada Kaaraan ay ka dhacaan dhacdooyin xanuun badan, islamarkaana amni xumada ka jirta ay gaartay heer Bac la’isku dhalaaliyo.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyey inay muhiim tahay in wax laga qabto amniga degmadaasi, si looga hortago dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka.

“Amni xumadda Degmadda Kaaraan waxay mareysaa heer in Jawaan la is galiyo ka dibna Bac la isku dhalaaliyo,waxaa dhibkaas geysanaya waa rag wata dareeska ciidanka oo kala dhiman,waana muhiim in la sugo amniga degmada.” ayuu yiri taliye Khaliif.

Hadalkan ayaa taliyaha Booliska qeybta bari, Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Maalin wuxuu ka sheegay kulan amniga Kaaraan looga hadlayey oo xalay ka dhacay xarunta degmadaasi, kaas oo uu ka qeyb-galay guddoomiyaha gobola Banaadir, Cumar Filish.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxa ay qeylo dhaan ka soo yeereysay dadka rayidka ah ee ku dhaqan degmadaasi, kuwaas oo ka cabanayo amni darri soo wajahday.