25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Xubnaha ka baxay Madasha Samatabixinta oo la kulmaya Xasan, wada qorshe culus

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnihii dhawaan ku dhawaaqay inay ka baxeen Madasha Samatabixinta ayaa la filayaa in kulan gaar ah ay la yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida xogaha horudhaca ah lagu helay, siyaasiyiintan ayaa qorsheynaya in kulanka kadib ay soo saaraan bayaan rasmi ah oo ay ku taageerayaan qorshaha doorashada qof iyo cod ee uu madaxweynuhu si xooggan u riixayo.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid dhabbaha u xaareysa hirgelinta qorshaha madaxweynaha ee ah in dalka lagu guuro nidaamka codbixinta tooska ah, taas oo muddo dheer ku adkayd siyaasadda Soomaaliya sababo la xiriira khilaafka siyaasiyiinta iyo kala qaybsanaanta mucaaradka.

Xogtan cusub ayaa daba socota go’aankii Sabtidii ay ku dhawaaqeen siyaasiyiin miisaan culus leh, oo xubno ka ahaa Madasha Samatabixinta. Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, guddoomiyayaashii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal, iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Geelle ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay inay iska casileen xubinnimada madasha.

Siyaasiyiintan ayaa mowqifkooda ku shaaciyay kulan gaar ah oo ay yeesheen xubnaha Madasha, waxayna caddeeyeen inay qorsheynayaan inay furaan xisbiyo siyaasadeed. Talaabadan ayaa loo arkay mid xaqiijinaysa tuhunkii hore ee jiray oo ahaa inay si hoose heshiis ula gaareen madaxweyne Xasan Sheekh.

Is-casilaaddaas ayaa ku soo beegantay, iyadoo isla Sabtidii uu guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka uu shaaciyay inuu muddo labo todobaad ah dib u furay is-diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha. Go’aankaas wuxuu siiyey fursad ururrada cusub ee siyaasiyiintaasi sameysanayaan inay si sharci ah isku diiwaangeliyaan.

Kala-tagga xubnaha mucaaradka ee ku biiraya ururrada cusub ayaa si weyn loo fasiray inuu yahay guul siyaasadeed oo uu gaaray Madaxweyne Xasan Sheekh, oo muddooyinkii dambe ku taamayey sidii uu u heli lahaa taageero ballaaran oo uu ku fuliyo qorshihiisa doorasho qof iyo cod ah.

Kala-jabka mucaaradka ayaa sidoo kale muujinaya sida ay u burburtay isku duubnidii Madasha Samatabixinta, taasoo ka dhigan in mucaaradka ay hadda u kala jabeen laba garab oo midkood u janjeero Madaxweyne Xasan Sheekh halka kan kalena uu wali ku adkeysanayo dhisidda midow cusub oo mucaarixiinta ah.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe si xeeladeysan ugu hawlanayd kala qaybin iyo wiiqidda mucaaradka, iyadoo dedaalkaas ay si dhow uga qeyb qaateen saddex masuul oo muhiim ah: Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin Maxamuud, Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha Xirsi Gaanni.

Saddexdan xubnood ayaa loo xil-saaray fulinta qorshaha lagu kala furfurayo mucaaradka, waxaana muuqata in howl-galkoodii uu hadda miro dhalay.

Kulanka xubnaha ka baxay Madasha iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo arkaa mid rasmi ka dhigi kara kala-jabkii shalay la shaaciyay.

Haddii siyaasiyiintan ay si cad ugu dhawaaqaan taageerada qorshaha doorasho qof iyo cod, waxay noqon doontaa guul muhiim ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh u horseedaysa inuu kasbado taageero ballaaran oo siyaasadeed, halka mucaaradka kalena lagu qasbi doono inay wajahaan xaalad adag oo ay dib ugu dhisaan kalsoonidii iyo midnimadii hore.

- Advertisement -

Read more

Local News