Xubnihii ka tirsanaa DF ee la xiray oo la horgeeyey xeer-ilaalinta iyo xog laga helay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Waxaa Maanta xeer ilaalinta horteeda la geeyey illaa 9 Mas’uul oo madax ka ahaa Maaliyadda Garoonka Muqdisho oo Shalay xabsiga loo taxaabay.

Mas’uuliyiintaan kasoo hor muuqday xeer ilaalinta horteeda  oo gaarayo illaa sagaal ayaa waxaa kamid ahaa  Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde Cabdiweli, Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Cadde Cabdi Maalik, Ninkii qaabilsanaa tirinta Qaadka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan, Madaxii Qeybta xisaabaadka ee Garoonka Cabdiri

Xeer ilaalinta oo dhageysatay dacwadda loo heystay Mas’uuliyiintaan ayaa sheegtay inaan weli la hor keenin caddeymo ku filan isla markaasna waxaa laga dalbaday dacwad oogayaasha inay keensadaan caddeymo dhameytiran.

Mas’uuliyiinta ayaa markii dambe waxaa dib loogu soo celiyey xarunta Dambi Baarista CID oo ay kusii xirnaan doonaan illaa Asbuuc markaas oo la filayo in dib loogu celiyo xeer ilaalinta horteeda.

Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, xariga Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa soo amray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre kadib markii xafiisyadaas la gaarsiiyey eedeymo ku aadan in la lunsado canshuuraha laga qaado Qaadka.

Sidoo kale Shabakadda Caasimadda Online ayaa xog hoose ku heshay in xilkii laga qaaday Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde Cabdiweli oo kamid ah Mas’uuliyiinta xiran, inkastoo ay noo suurtageli weysay inaan helno magaca qofka xilkaas loo magacaabay.

Cabdiweli ayaa la dhashay Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada Galmudug taasoo lagu magacaabo Duniyo Maxamed Cali.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com