Puntland oo canshuur xad dhaaf ah ku soo rogtay badeecadaha Somaliland

Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulkan Puntland ayaa qaatay mid kamid ah go’aanadii ugu adkaa ee ka dhan ah maamulka Somaliland oo muddo badan raadinayo madax banaani.

Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Puntland ayaa canshuur xad dhaaf ah kusoo rogtay badeecadaha laga keeno deegaanada Maamulka Somailand.

War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa lagu sheegay in badeecadaha daruuriga ah ee laga soo geliyo dhanka Somaliland lagu qaadi doono Canshuur 100%.

War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in waxyaabaha daruuriga ah ay kamid tahay Agabyada muhiimka u ah Nolosha dadka, Shidaalka Gadiidka iyo Gaaska Diyaaradaha.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in badeecadaha aan daruuriga aheyn laga qaadi doono canshuur 200% .

Wasaaradda ayaa Badeecadaha aan daruuriga aheyn ku sheegtay inay kamid yihiin: Qalabka xafiisyada, guwa Guryaha iyo Qalabka Korontada.

Waraaqdaan kasoo baxday Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa waxaa loo kala diray Madaxda Gobolada  Karkaar, Sanaag iyo Sool kuwaas oo la faray inay fuliyaan amarka kasoo baxay Wasaaradda.

Waraaqdaan Wasaaradda kasoo baxday ayaa waxaa ogeysiis ahaan loogu diray madaxtooyada Puntland, Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, iyo Xisaabiyaha guud ee Maamulkaas.

Go’aankaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa kusoo aadayo kadib markii Somaliland ay canshuur dhaaf xoog leh u sameysay Konteenarada kasoo dago Dekadda Berbera oo ay qaarkood leeyihiin ganacsato kasoo jeedo Puntland oo halkaas ganacsigooda kasoo dajista.

Puntland ayaa ka cabsatay canshuur dhaafka ay Somailand u sameysay ganacstada wax kasoo dajista Dekadda Berbera inuu saameyn ku yeesho wax soo saarka Dekadda Boosaaso inkastoo aysan Dekadda Boosaaso laheyn Qeybta Konteenarada.

Canshuur dhaafka ay sameysay Somaliland ayaa buuq iyo khilaafka dhex abuuray ganacstada reer Puntland oo qaarkood ay go’aan ku gaareen inay Dekadda Berbera u wareegaan, waana go’aanka keenay inay Puntland canshuur xad dhaaf ah kusoo rogto ganacsiga kasoo galo dhanka Somaliland.

Go’aankaan ayaa laga yaabaa inuu sare usii qaado xiisadda ka dhaxeyso labada maamul iyadoo maalmihii dambe ay saraakiil badan kasoo goosteen Maamulka Somaliand kuwaas oo soo dhaweyn weyn loogu sameeyey Garoowe.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com