Xubno iska casilay guddigii A/Madoobe ee Laascaanood kadib markii laga horyimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba Xildhibaan oo kamid ah guddigii uu Talaadadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay xaaladda ka taagan Laascaanood ayaa gebi ahaanba iska casilay xubinimadii guddigaasi.

Xildhibaanadan oo kala ah Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) iyo Cabdillaahi Cabdi Maxamed (Geel-qaad) ayaa waxay si wada-jir ah warqada ka bixida guddigaasi ugu socodsiiyeen Guddoomiye Aadan Madoobe.

“Anaga oo ah Xildhibaanada hoos ku saxiixan oo kamid ah guddiga gaarka ah oo uu guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS u magacaabay in ay kasoo warbixiyaan xaaladda magaalada Laascaanood, markii aanu tixgelinay dareenka Xildhibaanada beelaha Direed waxaan go’aansanay in aanu iska casilno ka mid ahaanshada guddiga,” ayey ku yiraahdeen qoraalkooda.

Sidoo kale waxay sheegeen inay ka xun yihiin rabshadaha ka taagan Laascaanood, iyaga oo tacsi u direy dadkii ku geeriyooday magaaladaas, halka inta dhaawacantayna Alle uga baryeen inuu siiyo caafimaad deg-deg ah.

“Waxaa baaq nabadeed u direynaa maamulka Somaliland iyo shacabka Laascaanood in ay nabadda ka shaqeeyaan, wixii farqi ah ee jiraba wada-hadal lagu dhameeyo.”

Is-casilaadan ayaa imaneysa saacado un kadib markii qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaanna kuwa ka soo jeeda Somaliland ay ka horyimaadeen guddigaasi.

Guddiga loo magacaabay Laascaanood ayaa waxa loogu tala-galay in uu warbixin kasoo diyaariyo rabshadaha ka socda magaaladaasi ee gobolka Sool, halkaasi oo ciidanka Somaliland ay ku dileen 20 qof oo shacab ah.

Xildhibaanada ka horyimid guddigaas ayaa sababta ay ku diidan yihiin ku sheegay in qaabka loo maray magacaabista aanay ahayn qaab sax, iyo sidoo kale in xubnaha la magacaabay qaarkood aaney xog badan ka ahayn xaaladda Laascaanood, sida ay hadalka u dhigeen.