Dhimashada qaraxyadii Maxaas oo gaartay 35 qof

Maxaas (Caasimada Onine) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa weli laga lehayaa qaraxyadii mataanaha ahaa ee Arbacadii ka dhacay gudaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana korortay tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadaasi.

Dhimashada ayaa haatan gaartay illaa 35 qof, halka dhaawacuna uu yahay 40 kale, sida uu Wakaalada Wararka ee Reuters u sheegay Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska dowlad ee goboleedka Hirshabeelle.

Xasan Kaafi ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin rayid ah, isla-markaana ay ku jiraan haween iyo caruur ku sugnaa goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen,

“Dadka dhintay intooda badan waa dad rayid ah, waana haween iyo carruur,” ayuu yiri Xasan Kaafi Maxamed.

Sidoo kale dadka ku dhintay weerarkaasi waxaa ka mid ahaa illaa 10 qof oo isku qoys ah, sida uu sheegay Jaamac Maxamed Cali oo ka tirsan qoyska, kaas oo la hadlay VOA-da.

Dhinaca kale waxaa Muqdisho lasoo gaarsiiyay qaar kamid ah dadkii ku soo dhaawacmay qaraxyadaas, waxaana xalay isbitaalka Erdogan ku booqday madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan isla maamulkaasi.

Cali Guudlaawe ayaa u kuurgalyay xaaladaha bukaanada dhaawaca ah, isaga oo mid mid u dul-tagay askarta iyo shacabka ay waxyeelada kasoo gaartay weerarkaasi.

Madaxweyneaha ayaa sidoo kale Alle uga baryay dhamaan dadkii ku dhintay qaraxyadaasi in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta dhaawacantana uu Eebbe u boogo dhayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha badan dhaliyay, wuxuuna ku soo aaday xilli uu dagaal uga furan yahay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Si kastaba, mid kamid ah qaraxyadan waxaa  lala eegtay guriga uu degmada Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana la sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey uu ka maqnaa guriga, halka labaadna isna lagu weeraray guri uu dagan yahay guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.