Militariga UGANDA oo war kasoo saaray toogashadii ka dhacday xerada XALANE

Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Uganda ayaa ka hadlay askari ka mida Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda dalka Uganda oo Isniintii saddex askari ku dilay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Askarigan ayaa la sheegay in marka hore uu toogasho ku dilay nin askari ahaa, k dibna uu rasaas huwiyay askar kale oo dhawaqa rasaastaasi ku soo baxday.

Afhayeenka Ciidanka Lugta ee Uganda, General Felix Kulayigye ayaa sheegay in rasaastii dambe uu askarigaasi furay ay sababtay geerida laba askari oo kale.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in la xiray askarigaasi, haatana la baarayo waxa dhacdadaasi sababay.

“Waa run in mid ka mid ah ciidankeena uu toogtay saaxiibadiis oo ku sugan Somaliya, halkaas oo loogu diray howl amni. Talisku wuxuu diyaariyay guddi baaritaan, si ay u baaraan sababta shilkan dhimashada sababay,” ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta dalkaasi.

Afhayeenka ayaa yiri “Eedeysanaha waa la qabtay, waxaana hadda lagu hayaa xabsiga. Baaritaanada ka dib waxaa lagu soo oogi doonnaa dacwadda ku habboon.”

Maaha markii ugu horreysay oo askari ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika uu toogasho ka gaysto xeradooda ugu weyn ee dalka. Bishii May ee sanadkii 2019 ayay ahayd markii nin askari ahaa uu toogasho ku dilay sarkaal ka tirsanaa Militariga Uganda, ka hor inta uusan is dilin.

Uganda ayaa ciidanka ugu badan ku tabarucda howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya oo loo yaqaan ATMIS, markii horena la oran jiray AMISOM, kaasi oo ka kooban 22,000 oo askari.