Xubno ka kala socday DF iyo Madasha Xisbiyad oo xalay ku kulmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeya xubno ka kala socda Madasha Xisbiyada Qaran iyo dowladda Soomaaliya ayaa Xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay xubno ku dhow kulanka u sheegeen Caasimada Online.

Kulankan ayaa gogol xaar u ahaa kulan la filayo inay maalinta arbacada ah magaalada Muqdisho ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Shariif Sheekh Axmed.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa kulanka ka qeyb-galay xubno matalaya Madasha oo uu hoggaaminayey Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ah Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran iyo agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Fahad ayaa horey u billaabay wada-hadallada labada dhinac kadib markii uu dhammaadkii toddobaadkii tagay Muqdisho kula kulmay Shariif Sheekh Axmed, oo ah hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulankaas ayaa looga hadlay xiisaddii dhowaanahan ka dhex taagneyd dowladda iyo Shariifka taasi oo xoogeysatay toddobaadkii tagay markii madaxweynihii hore lagu xanibay garoonka Muqdisho isaga oo kusii jeeda magaalada Beledweyne.

Waxa ugu weyn ee kulankan Xalaylooga hadlayaa ayaa ah dejinta ajendaha kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Shariif, arrimaha doorashooyinka, ilaalinta sharciga, iyo khiaaflka dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Labada dhinac ayaa u muuqda kuwo isku dayaya inay abuuraan jawi xasilloon oo sababi kara isu soo dhowaansho, is faham laga gaaro dhinaca doorashooyinka iyo dejinta xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay xayiraadii todobaadkii hore la saaray Madaxda Madasha.

Sheekh Shariif ayaa hadda ku sugan magaalada Naiorbi, waxaana la filayaa inuu Muqdisho kusoo laabto berri, isaga oo Arbacadna la kulmaya madaxweyne Farmaajo.

Halkaan hoose ka daawo