Xog: Dacwad ka dhan ah taliyaha Booliiska Somalia oo gaartay wasiir Ducaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa qaabilay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo dacwo ka ah taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Xildhibaanadaan oo u badan kuwa dhowr jeer tagay Xafiiska taliyaha islamarkaana waayay si loogu sharciyeeyo ciidamo Ilaaliyo ayaa wasiirka u sheegay in loo geestay xadgudubyo iyo hab dhaqan aan wanaagsaneen arintaasina aysan aqbali karin.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Caasimada Online u sheegay in wasiirka ay u geeyeen cadeymo muujinaya xadgudubyo uu taliyaha u geesta Xildhibaanada qaar, iyo in aysan heysan ciidan ilaaliya maadaama laga qaaday ciidankii Milateriga ee ilaalada u ahaa.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa xildhibaanada u sheegay in uu la kulmi doono taliyaha islamarkaana la xalin doono tabashooyinka Xildhibaanada si ay u helaan ciidan ilaaliya.

Xubnahaan ayaa wasiirka u sheegay in hadii aanan si deg deg ah wax looga qaban tabashadooda in wasiir iyo taliyaha ka gudbin doonaan mooshin u yeeris ah.

Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir iyo Xildhibaano kale ayaa dhawaan warbaahinta ka soo muuqday kuwaas oo sheegay in ay jirdileen ciidamo ilaalo u ah Taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Xog Xasaasi ah oo ku saabsan kulan hordhac u ah midka Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo Xalay dhacay