Booliska Somaliland oo la wareegay xarumihii xisbiga mucaaradka Wadani + Sawiro

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay la wareegeen labo xarun oo uu xisbiga mucaaradka Wadani ku lahaa gudaha magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo ee hoostaga maamulkaasi.

Labadaasi xarun ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliska oo saaka aroortii hore lagu soo daadiyey magaalooyinkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in amarka lagula wareegay xarumahaasi uu bixiyey taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi, kaasoo sheegay in xukuumadu ay talaabo ka qaadi doonto dadka hor kacaya dibabaxyada uu ku baaqay Guddoomiye Cirro.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo inay markale isku dhacaan taageerayaasha xisbiga Wadani iyo ciidanka Booliska ee saaka la wareegay xarumaha xisbigaasi ee ku yaalla gudaha magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo.

Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa sii xoogeysaneysa, taasoo daba socota murankii ka taagan guddiga cusub ee komishanka, ee ay dhowaan ansixiyeen golaha wakiilada.

Shalay ayey aheyd markii rabshado xoogan ay ka dhaceen xarunta dhexe ee xisbiga Wadani oo ku taalla Hargeysa, kadib markii ay xoog ku galeen taageerayaasha iyo hoggaanka xisbigaasi oo uu ugu horreeyey guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.