Xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta oo ku kala qeybsamay go’aankii laga gaaray gudiyada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta mucaaridka ayaa durtaba ku kala qeybsamay natiijadii kasoo baxday baaris ay sameeyen guddigii uu ra’iisal wasaare u xilsaaray cabashada ay mucaaridka ka muujiyeen guddiyada doorashada.

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay goor dambe ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.

Dhawaan unbey aheyd markii midowga musharaxiinta ay u gudbiyeen ra’iisul wasaare Rooble ilaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwan uga cabanayeen, kuwaas oo qaarkood la sheegay inay ka tirsan-yihiin dhaqaalaha dowladda, ciidanka iyo qaar siyaasisiin ah ama ay ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad aheen.

Haddaba, qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay natiijada kasoo baxday guddigaas ayaa ku kala aragti duwanaaday, waxayna midaan banaanka soo dhigeysay kala qeybsanaan musharaxiinta ah oo ku aadan guddiyadaas.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa si adag uga hadlay go’aankii kasoo baxay guddiga uu ra’iisul wasaare Rooble u saaray soo turxaan bixinta xubnaha cabashada laga keenay ee guddiyada doorashooyinka, halka uu si weyn usoo dhaweeyay Musharax Cabdikariin Guuleed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa marka hore shaaca ka qaaday in aan laga talo-gelin xubnaha ay xukuumadda shaacisay ee laga saaray guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo ka mid ah xubnaha cabashada laga keenay, walow kuwa kale ay weli ku jiraan guddiyada.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in weli guddiyada doorashooyinka ay ku jiraan xubno ka mid ah hay’adda NISA, gaar ahaan kuwa ka tirsan dharcadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay.Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha, ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

“Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay”.

Musharax Cabdikariin Guuleed oo asaguna kamid ah Midowga Musharaxiint ayaa sheegay in guddiga uu Rooble u xilsaaray cabashada guddiyada doorashada ay dadaal badan muujiyeen, islamarkaana ay tahay in lasoo dhaweeyo.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka guddiga heer Wasiir ee kala shaandheynta. Anigoo u arka inay guddiga dadaaleen, muujiyeen faafreeb lagu kalsoonaan karo. Waxaan soo jeedinayaa in hore loo socdo, si dalku u galo doorasho horseedda xasilooni siyaasadeed,” ayuu yiri.

Cabdikariin Guuleed ayaa asagu qaba in qanacsani laga muujiyo natiijada ay soo saareen guddiga uu Rooble u xilsaaray cabashada guddiyadii doorashada, kuwaasi oo 34 xubnood oo keliya ka saaray liiska, si buu yiri doorasho xasiloon uu dalka u galo.

Si kastaba, hadallada kasoo baxay labada Musharax ee ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa banaanka soo dhigaya sida ay midowga musharaxiinta ugu kala qeybsan yihiin faafreebka lagu sameeyay guddiyada doorashada, midaasi oo caqabad hor leh ku noqon karta fulinta heshiiskii dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho.