R/W Rooble oo magaacabay laba xil oo cusub, kuwa kalena ka qaaday + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha arrimaha gudaha iyo warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Ra’iisal wasaaraha ayaa agaasimaha guud ee arrimaha gudaha u magacaabay, Mudane Saciid Cabdullaahi Calasow, halka uu warfaafintana u magacaabay Mudane Maxamed Xayir Ducaale.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha, wareegto uu soo saaray Rooble ayaa Xayir loogu magacaabay xilkaas, isagoona lagu bedelay agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta Naasir Xuseen.

“Kadib markii uu tix-geliyay soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Rooble waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta u magacaabay mudane Saciid Cabdullaahi Calasow,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

“Sidoo kale Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxaxamed Xuseen Rooble ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ugu magacaabay Mudane Maxamed Xayir Ducaale.”

Caasimada Online ayaa xalay baahisay xogta magacaabista agaasimaha guud ee warfaafinta oo aheyd mid hoose, hase yeeshe uu goordhweyd si rasmi ah u shaaciyey xafiiska ra’iisal wasaaraha, isagoo uu ku soo lifaaqay agaasimaha cusub ee arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisinta.

Xayir ayaa horay u soo noqday Agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga ayaa xalay loo magacaabay xilka Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, kadib cadaadis ka yimid dhanka madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska madaxweynaha.

Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa aad u dhibsaday hanaanka tafaftir ee ay qaadatay warbaahinta qaranka oo tan iyo markii mas’uuliyadda ammaanka iyo doorashada uu wareejiyey madaxweyne Farmaajo si siman u tebineysay wararka mucaaradka iyo muxaafidka.

Nidaamkaan dhex-dhaxaadka ah ayaa la sheegay in xafiiska Farmaajo uu u arko mid caqabad ku noqon kara ololihiisa doorashada, maadaama doorashada soo socota kaalin muhiim ah ay ka cayaari doonto warbaahinta.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa intaas ku dareysaa in qorshaha is bedelka lala damacsan yahay wasaaradda warfaafinta uu intaas ka balaaran yahay, waxaana socda qorshe Agaasimaha cusub uu xilalka uga qaadi doono agaasime waaxeedyada TV-ga, Raadiyaha iyo Wakaaladda SONNA.

Arrintaan ayaa waayahaan aad isha loogu wada hayey, maadaama is bedel badan oo dhanka tafaftirka ah laga dareemay warbaahinta qaranka oo si siman u qaadaneysay wararka musharaxiinta iyo siyaasiyiinta kale ee mucaarad iyo muxaafidba.