Qatar oo war kasoo saartay weerar ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa si weyn u cambaareysay weerar ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay busteejo Gawaarida laga raaco oo ku taalo Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Bayaan Maanta kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Debadda ee Qatar ayaa ku celisay mowqifkeeda ah inay si weyn u diidan tahay rabshadaha iyo falalka argagixisada iyadoo aan loo eegeyn ujeedooyinka iyo sababaha.

Wasaaradda waxay sidoo kale uga tacsiyeysay  qoysaskii dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo u rajeysay kuwa dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Qaraxaas oo uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhow isgoyska Ex Control Afgooye, waxaana ka dhashay dhimashada 2 qof iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay goob aad u mashquul badan oo ay ku ganacsadaan  dad shacab ah, isla markaasna laga raaco gawaarida, lamana oga illaa hadda bartilmaameedka qaraxaas.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, inkastoo qaraxyada noocaan ah looga bartay inay fuliso kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Cambaareynta Qatar ayaa imaneysa xilli Qatar lafteeda horey loogu eedeeyey inay ku lug leedahay qaar ka mid ah weerarada argagixiso ee ka dhaca gudaha Soomaaliya.

Bishii July ee 2019, wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka  ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil isla magaalada loogu gaystay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso.

Ganacsadaha ayaa u sheegay safiirka iney ka warqabaan dilka iyo qaraxa oo sida uu sheegay ay ka dambeeyaan xulafadooda, si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed. Qaraxaas Qaraxaas, oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof.