Xubno ka tirsan xisbiga DENI oo loo doortay guddoonka guddiga doorashada

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoonka guddiga doorashada Puntland ee PEC ayaa lagu doortay magaalada Garoowe, ayada oo loo doortayna xubno si aad ugu dhow madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka maamulka Puntland ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Fu’aad Abshir Adeer oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Deni ee la yiraahdo KAAH.

Sidoo kale waxaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka loo doortay Axmed Maxamuud oo isaguba ka tirsan xisbiga KAAH ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Guddigan oo dhismihiisa uu buuq xooggan ka dhashay ayaa haddana waxay arrintaan uga sii dari doonta kalsoonida lagu qabi karo, maadaama mucaaradka sheegeen in Saciid Deni uu qorshe muddo kororsi ka leeyahay doorashooyinka qof iyo cod ee u ololeynayo.

Dhinaca kale, waxaa maalintii shalay aheyd guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Puntland uu dood ka yeeshay in muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowlada ee maamulka.

Dooddan ayaa timid kadib markii xubno kamid ah guddiga joogtada ah ee Baarlamanka ay soo jeediyeen in dowladda loo sameeyo muddo kordhin 2 sano ah.

Xubnahaan ayaa soo jeedintooda ku lifaaqay sidii xukuumadda ay u heli laheyd waqti ku filan, si loo dhammaystiro hannaanka doorashada qof iyo cod.

Hase ahaatee waxaa markii dambe guddiga isla qaatay in doodddaas dib loo dhigo inta uu ka imaanayo madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ku maqan safar dibadda ah, lana filayo inuu dhawaan kusoo laabta Garoowe.

Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya ayada oo weli xiisad ay ka taagan tahay gudaha magaalada Garoowe, taasi oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh maamulka, ayada madaxdii hore iyo mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen qorshaha Deni.