25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Sawirro: Xubno Shabaab ah oo howl-gal ‘lagu dilay’ iyo kuwa nolosha’ lagu qabtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Jamaame (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay weli ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka wadaan qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Howlgalladan oo lagu beegsaday ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaano dhaca jiinka wabiga, isla markaana hoostaga degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay in ka badan 30 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Howlgalka oo loo qorsheeyey si heerkeedu sarreeyo laguna dilay in ka badan 30 Khawaarij ah ayaa ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose iyo jiinka Wabiga” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacda warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in howlgallo kale oo ka dhacay deegaanka Baarsanguuni lagu soo qabtay illaa 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo iyagana dhibaato ka waday gudaha deegaankaasi.

“Howlgalka kale ayaa lagu qabtay xubno maleyshiyaad ah oo 10 ku dhaw kuwaas oo dhibaato ku hayay shacabka deegaanka Baar sanguuni” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgallo culus ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News