Xukuumada Kheyre oo 5 qodob kasoo saartay doorashada Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalinitii Talaadada ee Taariikhdu ahayd May 2, 2017 ayaa wafti uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka koobnaa wasiirro, xubno ka socda labada aqal ee Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku tageen caasimadda ku meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Gal-Mudug si ay Korjoogayaal iyo markhaanti uga noqdaan doorashada ka dhacaysa Cadaado maalinimada Arbacadii ee 3-dii, 05,2017.

3-dii Bisha ayaa doorasho 3 Musharax ku Tartameen ka dhacday Caasimada ku meel gaarka ah ee maamul Goboleedka Gal-mudug ee Cadaado. Doorashadaas waxaa ku guulaystay musharax Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Haddaba:

1-Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya soo dhowaynaysaa natiijada kasoo baxday Doorashadaas oo ay u aragto inay u dhacday si xor iyo xalaal ah.

2-Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa hoggaanka cusub ee Gal-Mudug inay si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadaladii u socday Ahlu-Sunna iyo Gal-Mudug, si Xal kama dambays ah looga gaaro Khilaafka labada Dhinac.

3-Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya diyaar u tahay waxkasta oo ay ka gaysan karto in Xal waara laga gaaro Nabadda iyo Midnimada Deegaanka Gal-Mudug, si Shacabka reer Gal-Mudug u helaan nabad iyo xasilooni waarta.

4-Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo cid kasta oo kale oo arintaan danaynaysa in ay gacan buuxda ka gaystaan si loo fududeeyo wadahadalada labada dhinac.

5-Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Shacabwaynaha reer Gal-Mudug iyo Hogaankooda cusubba ugu baaqaysaa inay si wadajir ah uga wada Shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo xasiloonida deegaanada Gal-Mudug.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET