Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo durba is baray Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha cusub ee Galmudug  Axmed Ducaale Xaaf oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha SOomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo ka wada hadlay doorashadii ka dhacday Cadaado iyo shirka London.

Madaxweynaha Galmudug ayaa durba bilaabay inuu is baro Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, maadaama dhawaan la filayo inuu London ka furmo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb geli doonaan dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada.

Madaxweyne Xaaf ayaa durba iska xaadiriyey saxaafadda Ingiriiska Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay Madaxda Dowladda iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.

Waxaa Safaaradda ku qaabilay safiirka Ingiriiska ee David Concar, waxayna labada Mas’uul ka wada hadleyn shirka London, arrimaha Galmudug iyo dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlu suna.

Xaaf ayaa diyaar u ah inuu ka qeybgalo shirka London ka furmayo 11 May, kaasoo la filayo in looga wadahadlo arrimo ku saabsan qorshaha amniga qaran, abaaraha iyo arrimo kale oo ka jiro Soomaaliya .

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET