Go’aan noocee ah ayey Farmaajo  iyo Kheyre ka qaateen culeyskii uga imaaday Beesha Habargidir?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa go’aan adag ka qaatay culeys weyn oo kaga imaaday Beesha Habargidir, gaar ahaan xildhibaanada laba aqal ee beeshaas kasoo jeedo .

Xildhibaanada labada aqal ee Beesha Habargidir iyo siyaasiyiin kasoo jeedo beeshaas ayaa hor yimaaday qaabka loola dhaqmay Hanti dhowraha guud oo ay ilaaladiisa rasaas ku dileen wasiirkii Howlaha Guud ee dowladda Cabaas Cabdullaahi Siraaji iyo xilkii laga qaaday Warfaafinta C/risaaq Bahlaawi  oo ahaa agaasimihii guud ee wasaaradda Warfaafinta dowladda.

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ayaa culeys weyn ku saarayo madaxda dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’iulwasaarha, waxayna ku dadayaalayaan sidii loo joojin lahaa kiisaska loo heysto labada Mas’uulo ee kasoo jeedo Beesha Habargidir.

Xogta ay heleyso  Caasimadda Online ayaa xaqiijineyso in Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ay ka dhawaajiyeen inaysan wax tanaanusal ah ka sameyn doonin waxyaabaha lagu heysto Hanti dhowraha qaranka iyo Bahlaawi.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ay beeshiisa culeys ku saartay sidii go’aanadaan looga laaban lahaa ayaa ka biyo diiday, wuxuuna ku adkeystay go’aanka uu garay, sidoo kalana madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna diiday inuu gorgortan ka galo arrimaha taagan.

Kiiska Hanti Dhowraha qaranka ayaa buuq badan ka dhaliyey gudaha dowladda Soomaaliya, waxaana ugu dambeyn xilka si rasmi ah uga qaaday Madaxweyne Farmaajo, inkastoo weli uusan aqbalin Hanti Dhowraha, haddana waxaa loo badinayaa inuusan dib dambe usoo laaban doonin.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET