Faahfaahin ku saabsan wararka sheegaya in Yuusuf Garaad laga saaray shirka Golaha Wasiirada

Muqdisho (Caasimadd Online) – Waxaa Maalmihi ugu dambeeyey socday warar sheegayey in Yuusuf Garaad laga saaray shirkii golaha wasiirada ee kalsoonida looga laabtay Hanti Dhowrihii qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Haddaba Caasimadda Online ayaa baaritaan kusoo sameysay wararkaas iyo waxa ka jiro, waxayna soo ogaatay inay yihiin wax kala jiraan, waxaana soo aruurinayey xog ku saabsan qaabkii uu Yuusuf Garaad uga qeybgalay shirkaad.

Muran ka dhashay xil ka qaadistii Hanti dhowraha qaranka ayaa la sheegay in shirka looga  saaray Wasiirka Arirmaha Dibadda Yuusuf Garaad cumar, waxayna aheyd warar been abuur ah oo la faafiyey sida aan xogta ku helnay.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Villa Soomaaliya ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inuu warkaas yahay been abuur, waxayna noo xaqiijiyeen inuu Yuusuf Garaad xoogaa kasoo daahay shirka golaha wasiirada, wuxuuna kusoo aaday isagoo shirka marayo meel gebagabo ah isla markaasna laga doodayo xil ka qaadista  Hantidhowrka guud ee qaranka.

Markii uu Yuusuf shirka soo galay, ayuu bilaabay inuu fikirkiisa ka dhiibto dooda ku saabsan xil ka qaadista lagu sameenayo Hanti dhowrka, wuxuuna talo ahaan soo jeediyey inaan arrintaas lagu deg deggin lana hubiyo, isagoo miiska soo saaray su’aalo adag oo ku saabsan haddii uu Hanti dhowrka door ku lahaa dilkaas loo geystay Allah u naxariiste Cabaas Cabdullaahi Siraaji.

Yuusuf Garaad ayaa miiska soo saaray su’aal ay kamid ahaayeen:

1) In Caddeyn loo hayo inuu Hanti dhowrka qaranka amray in la dilo wasiirka?

2) inuu yahay Hanti dhowrka qofkii dilka geystay.

Marii uu Yuusuf intaas soo jeediyey, waxaana sii batay buuqii ku aadanaa xil ka qaadistaas, waxayna sheekada isku badashay qabiil qabiil, waxayna wasiirada kasoo jeedo beesha Cabaas Siraajo ku tilmaameyn Yuusuf Garaad inuu u hadlayo qaab qabiil ah isla markaasna aysan macquul aheyn in Hanti dhowrka qabiil lagu difaaco.

Arrintii ayaa markaas kadib kasii dartay, waxaana batay buuqa ka dhashay, waxayna keentay inuu soo farageliyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ugu dambeyntii amray in la joojiyo dooda, codkana loo qaado in xilka laga qaado Hanti Dhowrka guud ee qaranka.

Inta badan Golaha wasiirada ayaa u coddeeyey in xilka laga qaado, maadaama ilaaladiisa ay ku kaceyn fal dambiyeed aad u weyn aysana macquul aheyn inuu xilka sii hayo.

Lama ogo ilaa haddii go’aanka Yuusuf Garaad iyo haddii uu ku qancay xil ka qaadistii lagu sameeyey Hanti dhowrka guud ee qaranka, balse wixii warar kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET