Document: Hal arrin oo keeni karto inaan la qaadan amar dambe oo dowladda kasoo baxo

Muqdisho (Caasimadda Onlino)  Dowladda Soomaaliya ayaa dhexda ka gashay muran badan oo ku aadan xil ka qaadistii lagu sameeyey Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Markii hore golaha wasiirada ayaa soo saaray go’aan ku aadan inay xilkii ka qaadeen Hanti dhowraha kadib markii ay ku eedeeyeen dhawr qodob oo ku saabsan dilkii ay ilaaladiisa u geysteen Wasiirkii Howlaha Guud ee dowladda Soomaaliya Allah u naxariiste Cabaas Cabdullaahi Siraaji.

Hanti dhowraha qaranka ayaa ka biyo diiday xil ka qaadistii golaha wasiirada ku sameeyeen, wuxuuna tilmaamay inay kaliya ka qaadi karaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Markaas kadib madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray xeer uu xilka uga qaadayo Hanti dhowraha qaranka, waxaana markaas mugdi weyn galay rajadii yareyd ee uu ka lahaa Hanti Dhowraha inuu xilkiisa sii heysto.

Weli Hanti dhowraha weli wuxuu leeyahay rajo ku aadan inuu shaqadiisa sii hayo inkastoo aysan midaas macquul aheyn inay dhacdo.

Haddii ay dowladda Soomaaliya ku guuleysan weyso xil ka qaadista ay ku sameysay Hanti dhowraha guud ee qaranka uuna xilkiisa dib ugu soo laabto, midaas waxay keeni doontaa inuu qofkasta oo xil laga qaado diido.

Sidoo kale waxaa adkaan doonto in la fuliyo amarada kasoo baxo dowladda, haddii uuba qof shaqsi ah ka hor imaan karo xil ka qaadis ay ku sameysay dowladda Soomaaliya.

Sidaas darteed dowladda Soomaaliya waxay hor yaal tijaabo weyn oo ay indhaha ku hayaan shaqsiyaad badan, waxaana la arki doonaa natiijada kasoo baxdo, haddii uu Hanti dhowraha xilkiisa sii hayo midaas waxay ka dhignaan doontaa inaysan dowladda laheyn wax awood ah.

Waxaa jiro siyaasiyiin badan oo isku dayayo inay xil ka qaadistaan ku hor istaagaan qaab qabiileed, taasoo ah hab dhaqan horey looga soo gudbay, macquulna maahan in amarada kasoo baxo dowladda Soomaaliya la qabiileeyo.

Dad gaar ah oo leh dano shaqsiyadeed iyo mid beeleed ayaa doonayo inay dadka mara habaabiyaan, balse kama war qabaan in shacabka Soomaaliyeed ay mar hore ka gudbeen hab qabiileed in loo dhaqmo.

Soomaaliya waxay qabiil qabiil isku soo dagaashay muddo badan oo ku dhow 20 sano, mana jiro hal qabiil oo guul ka gaaray dagaaladii la galay, marka laga reebo in lagu waayey dad badan oo Soomaaliyeed oo wadanka wax badan u qaban lahaa iyo burbur weyn oo loo geystay muuqaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaaraha waxaa haboon inay go’aankooda ku adkeystaan, isla markaasna ay xilka ka qaadan mas’uul kasta oo isku dayo inuu hab qabiileed u hor istaago xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Soomaaliya horey ayey u socotaa, macquulna maahan inay mar kale dib u laabato, haddii qabiil wax lagu gaarayo muddo badan ayey Soomaaliya kusoo dhex jirtay, waxaana Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha laga sugayaa inay riyada shacabka ka dhabeeyo isla markaasna ay ku adkeystaan go’aanka ay ka qaateen Hanti dhowrka guud ee qaranka, kaasoo lagu eedeeyey qodobo badan.

Marka laga soo tago dilka ay geysteen ilaalada Hanti dhowraha qaranka oo ah kiiska ugu weyn ee hadda loo heysto Hantidhowrka, waxaa jiro dhibaato badan oo uu ku hayo hey’adaha kala duwan ee dowladda , madaxda ugu sareyso iyo shaqaalaha xafiiskiisa , waxaana xilligii Xasan Shiikh Maxamuud dacwad kasoo gudbiyey 40 shaqaale oo ka tirsan xafiiska Hanti dhowraha qaranka, waxayna ku eedeeyeen inuu yahay shaqsi aan u qalmin inuu xilkaas hayo, weliba waxay waraaqda ku qoreen ereyo aan qori karin balse waraaqdooda ku qoran sida aad ka akhrisan karto document-ga ay heshay Caasimadda online.