Xukuumada madaxweyne Biixi oo Cirro ka dalbatay arrin ay ku fashilantay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka tamarta iyo biyaha maamulka Somaliland Saleebaan Cali Koore oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ku fashilantay wax ka qabashada colaadaha ka jira degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Wasiir Koore ayaa tilmaanay in dhibaatooyinka ka jira degmadaasi ay soo jiitamayeen muddo 5 sano ah, islamarkaana ay haatan ka sii dareyso xaaladda.

Wuxuu carabka ku dhuftay in muxaafad iyo mucaarad loo baahan yahay in loo istaago, sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyiinkaasi.

Wasiirka tamarta iyo  biyaha Somaliland ayaa si gaar ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) uga dalbaday inuu hormuud ka noqdo dadaallada lagu dhameynayo colaadaha ka taagan halkaasi.

Xiisadaha ka aloolsan Ceel-Afweyn ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanayey, kadib markii dhowaan degmadaasi lagu dilay ku dhowaad 10 qof oo rayid ahaa.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com