Wasiiro ka tirsan xukuumada Biixi oo war ka soo saaray dagaalka Ceel-Afweyn

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiiro ka tirsan Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka hadlay xiisada colaadeed ee ka soo cusboonatay deegaanada Ceel-Afweyn.

Wasiiradan ayaa si wada jira ilaahay uga baryay inuu Naxariistii jano siiyo intii ku dhimatay shaqaaqadaasi, intii dhaawacana uu siiyo caafimaad sariica.

Wasiiradan oo kala ahaa Wasiirka Ciyaaraha iyo wasiirka golayaasha iyo dastuurka Somaliland, ayaa si wada jira waxay shacabka Ceel-Afweyn ugu baaqeen inay xukuumada ku garab siiyaan sidii xaalada deegaanadaasi loogu soo dabaali lahaa nabad waarta.

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed oo ugu horeyntii la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu yiri “Dhacdadii foosha xumayd ee ku soo biiray dhacdooyinkii midba mid ka foosha xumayd ee aad moodayso in hadba ta ugu danbaysaa ay noqonayso tii ugu foosha xumayd ee ka dhacday Ceel-afweyn”.

“Umadaas waxa alle iyo waxay ku dhimatay iyo wax lagu dilay midna lama garanaayo, waxa dhintay marka dhaawacyadii dhintay marka lagu daro 4 hablood iyo saddex nin. Qolo qurba joog ah oo dibada joogta inta badan muuqaalada Whatsapp-yada ayaad ka daawataan iyaga oo leh waa la dagaalamayaa waxbaa dhacaaya, mana wada xumo oo inta iimaanka lahayd waa inta dalkooda wax soo galinaysa iyaguna wax qabsanaaya”.

“Ninbaan la hadlay oo waxa uu igu yidhi qoladayada Maraykanku kuma jirno dadka meeshaas ka hadlaaya waxaanu nahay shaqaale oo waanu xoogsanaa waxayaga meeshii sax ahaana waanu ku bixinaa waa nimanka caydha qaata ee Yurub u badan, dhalinayrada meelahaas jooga ee maqlaaya iyaga oo leh waxaabanu samaynaynaa waar qaar wax samayn karaba maaha oo iyagii ayaa khaati taagan ee dhibrashankii ayaa la galay waxaabanu dilaynaa, yaanay maskaxda idinka xadin.”

Wuxuuna intaas kusii daray “Dawladu waxay soo saartay xukun deg deg ah xukunka deg dega ah intii ka hortagtay ha ogaadaan maanta waxii ay ka hortageen waxa uu ahaa meelintii ay ugu dhawayd ee talaabo la qaadayay ayay ahayd.”

Dhinaca kalena, Wasiirka golayaasha iyo arimaha dastuurka Somaliland, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri “Dadkii ku geeriyooday ama ku dhaawacmay shilkii dhacay ee ugu danbeeyay ee Ceel-afweyn inta dhimatay in alle u naxariisto inta noolna in alle caafiyo, dhamaanba eheladii iyo shacbiga Somalilandba inuu alle samir iyo iimaan uu ka siiyo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com