Wufuud caalami ah oo maanta tageysa Kismaayo

Kismaayo  (Caasimada Online) – Wufuud caalami ah oo ka socda beesha caalamka ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan.

Qaban qaabo iyo soo dhoweyn loogu jiro xubnahan ayaa ka socoto Kismaayo, iyadoo si aad ah loo adkeeyey amniga magaaladaasi.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa la xariirta arrimaha doorashooyinka maamulka Jubbaland.

James Swan iyo xubnaha la socda ayaa marka ay tagaan Kismaayo la kumi doono madaxweynaha Jubbaland, guddiga doorashooyinka iyo musharraxiinta mucaaradka ee maamulkaasi.

Kulamadan ayaa intooda badan diirada lagu saari doonaa xalinta tabashooyinka ka jira doorashada Jubbaland oo haatan watigeeda laga soo hormariyey, iyadoona ay dhici doonto 19-ka bishan August oo ku beegan maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Waa markii labaad ee uu ergeyga QM tegayo Kismaayo, tan markii la soo magacaabay, isagoona horay kormeer ugu tagay magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com