Xukuumada Muuse Biixi oo qorsheynaysa Bandow lagu soo rogo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa qorsheynaysa in deegaanadeeda ay ku soo rogto Bandow, xili si weyn looga cabsi qabo in uu ku faafo Somaliland cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan Saylici ayaa sheegay in Xukuumadoodu ay ku howlan-tahay sidii ay u soo rogi laheyd Bandow, haddii xaalada ay sii xumaato oo dad hor leh laga helo cudurka Coronavirus.

Deegaanada Somaliland ayaa hore looga xaqiijiyey labo kiis oo cudurkaasi ah, iyada oo Xukuumada Biixi ay sheegtay in labadaasi qof ku karantiishay magaalooyinka Berbera iyo Burco oo ay ku sugnaayeen.

Xukuumada Biixi ayaa wajaheysa culeys ku aadan Cudurkan, sida uu ka dhawaajiyey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, inkasta oo uu sheegay in weli uusan xaalku ku cakirmin oo ay wadaan dadaaladii lagaga hortagi lahaa inay korodho tirada dadka qaba cudurkaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweyne ku-xigeenku inay Hay’adaha ay khuseyso kala kaashan doonaan haddii xaalku uu xumaado, si dadka guryaha lagu xabisay loo taakuleyn lahaa, maadama dadka reer Somaliland badankoodu ay maalintii soo shaqeystaan wixii ay cuni lahaayeen.

Si dhaba uma cadda nooca Bandow ee xukuumada Muuse Biixi ay qorsheynayso, haddana waxa muuqata inay rabto inay dadku guryahooda ka soo bixin, si ay u yareeyso faafida cudurkan Coronaha, sida ay sameeyeen waddamo badan oo dunida.